Xeerka dhismaha ururada iyo xisbiyada oo lameel-mariyay

76
baarlamaanka soomaaliya
baarlamaanka soomaaliya

Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee ka qayb-galaya doorashada.

 

Dhamaan xildhibaanada soo xaadiray kulnka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, wwxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay, sida uu shaaciyay guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sidoo kale u mahadceliyay labada gole oo tallaabo u qaaday doorashada qof iyo codka ah.

 

Sabtidii ayaa sidaan oo kale ay xildhibaanada labada Gole u meel-mariyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha, kaas oo ay isna si aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka iyo senatorada Aqalka Sare.

 

Tallaabooyinka baarlamaanka uu qaaday ee la xiriira doorashooyinka ayaa waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo sheegay in waddada loo maray dhismaha guddiga doorashada uu yahay mid qaldan oo ka hor imaaneyso dastuurka.

 

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.