Xiisad dagaal oo laga dareemay Boosaaso

189

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo cabsi badan ku beertay dadka magaalada degan, xilli uu khilaaf u dhaxeeyo ciidanka daacada u ah Madxaweyne Deni iyo ciidanka PSF.

Ciidamo badan oo katirsan kuwa maamulka Puntalnd ayaa xalay lagu arkayay qeybo badan oo kamid ah magaalada Boosaaso, waxaana shacabka magaalada degan qaarkood bilaabeen in ay barakcaaan , iyaga oo ka cabsi qabay in ay dagaallamayaan labada ciidan ee iska soo horjeeda ee magaalada wada jooga.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax xiisad ah oo magaalada ka taagan, waxa ayna booliiska sheegeen in ciidamada ammaanka ee magaalada jooga ay si caadi ah u wataan shaqadooda.

Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan, Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska magaalada Boosaaso ayaana shacabka u sheegay in wararka la faafinayo ee sheegaya in xiisad dagaal magaalada ka jirto ay been tahay, waxa ayna shacabka ku wargaliyeen in ay isdejiyaan si caadi ahna ku joogaan xaafadahooda.

Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga sugaaya waa mahadsantihiin” ayaa lagu yiri warka booliiska soo saaray.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay xiisad u dhaxeysa ciidamada Madaxweyne Deni daacada u ah iyo ciidamada kale ee PSF, labadan ciidan ayaana horey magaalada ugu dhax maray dagaal dhiig badan ku daatay.