Xijaar Oo Sheegay In Lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab Ee Hotelka Xayaat

237

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in lasoo afjaray howlgalkii saacadaha badan qaatay ee ka socday hotelka Xayaat oo Al-shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo, iyagoona ka dhex dagaalamayey.

Taliyaha Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkii ka socday hotelka Xayaat lasoo gaba-gabeeyay saqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay Ciidanka gudaha u galeen hotelka.

Taliye Xijaar ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka dowladda Federaalka ay weerarka kasoo badbaadiyeen 106 oo hotelka ku sugnaa, xilligii uu weerarka bilaabanayay, isagoona tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay qaraxyada.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarkii hotelka Xayaat ay si faah faahsan uga warbixin doonto Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doono.

Dagaal qaatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa uu Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab uu ku dhexmarayey hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku dhow 30 qof oo isugu jira dadkii ku sugnaa hotelka iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku dhintay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka, halka dad kale oo farabadana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada lagu dabiibayaa Isbitaalada.