XILD Fowsiya Yuusuf oo soo jeedisey tallo cajiib ah oo ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somalilnd

1577

Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa soo jeediysay in wadahadallada dowladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland lagu wareejiyo odayaasha dhaqanka.

Fawsiya ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ee labada dinac la siiyo fursad wanaagsan meel ka mid ah dalka oo nabad ahna ay ku wadahadlaan, wixii ka soo baxana lagu wareejiyo siyaasiyiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shir horudhac u ah kulanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka dhici lahaa Ankara uu baaqday kaddib markii waddamada UK, Mareykanka iyo Sweden ay ka caga jiideen kor joogteynta shirkaas oo la qorsheeyay in 18-ka March uu ka dhoco Ankara.

Waxaa kale oo iyana soo baxaya in dowladda Federaalka ah ay wadahadallada u xil saartay rag dhallinyaro ah halka Somaliland ay Turkiga u dirtay Wasiirkeeda arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon.