Xildhibaan Ahmed Maclin fiqi Oo Werar ka Ah ku Qaaday Vila Somaliya. Ka Dib markii…

1652

Waxaan boggaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. C/kariin Khaliif Dhalax ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kuxigeen ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxda Villa Somalia aanan la shaqeyn karin qof raba karaamadiisa iyo mas’uuliyada saaran inuu si wanaagsan u guto.

“Tallaabada uu isku casilay Mudane C/kariin Dhalac waxay bilow u noqon doontaa is casilaado kale”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in faragelinta lagu haayo Galmudug iyo sida dowladda ay keligeed u wado geeddi socodka doorashooyinka ay kashifi doonto damaca waalan ee dowladda dooneyo inay ku baal marto dastuurka iyo shurucuuda dalka u yaal.

Is casilaada Wasiir kuxigeenka Xannaanada Xoolaha C/kariin Dhalac oo ka soo jeeda deegaanada Galmudug, ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Federaalka wado qorshayaal ay ku dooneyso inay ku dhisto maamulka Galmudug, waxaana soo baxaya walaac siyaasiyiinta ka qabaan qaabka dowladda wax u wado oo ay ku tilmaameen mid afduub iyo awood maroorsi ah