Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi “Farmaajo Markii shacabka Taageeradooda uu waayay ayuu Qabiil iyo Al Shabaab ku tilmaamay”

1517

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul u weeraray hab dhaqanka siyaasiyiinta iyo Culimada warbaahinta ka difaaca dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad shidaal lagu soo shubo.

Qoraal uu soo diray bartiisa Facebook ayuu uga hadlay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo iyo hadalo warbaahinta ay siiyeen Siyaasiyiiniyo Culimo taageera Madaxweyna Farmaajo.

“Marka fatwada culimadu ay kiro noqoto, siyaasi horey u fashilmayna uu u istaago difaacidda mid kale oo wadadiisii haaya, qaaqle shidaal lagu soo shubo, ogaada daaha gadaashiis waxaa ku jira hogaamiye fashilmay oo aan dayactir lahayn”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ololaha doorashada u waday Madaxweyne Farmaajo, balse ay mar danbe isku dhaceen ayaa sheegay in Madaxweynuhu dadkii taageeray uu ku tilmaamo qabiil iyo Al-Shabaab, uguna hanjabo inuu gacan bir ku qabanayo ayuu xusay inay taasi tahay Hoggaan xumo.

“Markii madaxweynihii dadkii uu taageeradooda taladaa ku yimid oo ka cabanaya dhibaatoooyinka ka soo gaarey hogaan-xumidiisa uu ku tilmaamay “qabiil iyo shabaab” uuna ugu hanjabay inuu ku qaban doono gacan-bir ah, meeshii laga sugayey in uu keeno xalka dhibkii dadku ka cabanayeen, fariimahaas hanjabaadaha ah waxay ku haboonaayeen in uu u diro kuwa “shacabkaas dhibaatada ay ka cabanyeen u geysanaya iyo argagixisada qaraxyada gaysanaysa, si maro loogu geliyo hadaladaas deelqaafka ah waxaa warbaahinta lagu soo yaacshay maalmihii na gudbay “wadaado fatwada laga ijaartay, iyo qaaqlayaal dalkaan laga yaqaano, waxaana heeso xawilaad ah soo qaaday fanaaniin beeleedyo”ayuu yiri Axmed Fiqi.