Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ku geeriyooday Muqdisho

1489

Waxaa shalay galinkii dambe Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo katirsanaa Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Axmed Galti ayaana mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxa uuna shalay ku geeriyooday isbitaalka oo loo geeyay in xaaladiisa caafimaad wax looga qabto .

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti), waxa uuna ilaah uga baryay in janadii fardowsa ka waraabiyo marxuumka.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa kasoo mid ahaa Baarlamaankii koobaad ee Galmudug iyo kan hada jira, waxa uuna kamid ahaa dadka u taagnaa Galmudug noqoto maamul muuqda oo ka gudba caqabadaha la degay.