Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Iska Casilay Xilkii Xisbiga Wadani

400

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo kamid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Af-hayeenka Xisbi mucaarad ugu weyn Somalilane ee ‘Waddani, uuna hoggaamiye Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo uu ahaa muddo 5 sano ah.

Barkhad Batuun oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa xusay in uu wareegi doono xoojinta shaqooyinka Baarlamaanka Somaliland iyo arrimo samafal, waxaana uu ka codsaday madaxda Xisbiga Waddani in ay aqbalaan iscasilaadiisa.

Hoos ka Akhriso qoraalka uu soo saaray Xildhibaan Barkhad Batuun.

Xil-ka tegis

Muddo ku siman 5-sanno oo aan hayey xilka af-hayeenka Xisbiga ballaadhan ee WADDANI waxa maanta la soo gaadhay xiligii aan jagadaa wareejin lahaa. Waxa ay ahaayeen 5-sanno oo halgan, himilo, horumar iyo hawl badnaa oo aan qof ahaan iyo xisbi ahaan ba meelo adag ka soo baxnay. Wakhti Dadaal, doodo waaweyn, daacadnimo, dareen wanaagsan iyo u hadalka danyarta oo dagaal badan ku wajahay ayuu ahaa.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh waxaans’e abaal iyo ogaal u hayaa cid walba oo shaqadaa adag igu barbar taagnayd muddadii aan mansabkaa hayey: uguna horreeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga, hoggaanka xisbiga, fullinta, garabadda haweenka, dhallinyaradda, laamaha dibadda, taageerayaasha xisbiga, saxaafadda Somaliiland iyo guud ahaan shacabka sharafta badan ee Somaliland.

Waxa aan hadda u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala iyo arrimaha samafalka bulshadda Somaliland Insha Allah. waxa aan rejo fiican ka qaba in hoggaanka sarre ee Xisbigu iga aqbali-doonaan xil ka tegistayda qof hannan kara jagadaasna u magacaabi doonaan.

Allaa Mahad Leh