Xildhibaan Dalxa oo uhanjabay Kenya +VIDEO

1723

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dawladda Kenya uga digay inay Dariiq khaldan Raacdo, Wuxuuna sheegay inaysan Soomaaliya ahay dal lagu soo Ordo.

“Ninkii Guri Muraayad ah Deganoow, Dhagax Tuur ha Bilaabin, Soomaaliya wax badan ayay Xeerisay Dawlad ahaan iyo shacab ahaan, Kenya way ogtahay, Hadii ay Dalkeeda Qurxoon ee Burburka Soomaaliya looga Faa’iiday la rabto waxaan leeyahay “Mutule Gubtay, Mutule Gubanaya kama Naxo”. Ayuu yidhi Xildhibaan Dalxa.

Dalxa ayaa xusay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya, Wuxuuna sheegay inaysan waxba kasoo Qaadayn hadalka kasoo yeedhay Aadan Barre Ducaalle “Hadalkiisu waa Af ka dhihid, Taasina culays maleh”.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku Kalsoontahay Dacwadda La geeyay Maxkamadda Caalamiga ah, Wuxuuna Xusay inaysan socon doonin in Suuq madow lagu wado Hadlo.

Xildhibaan maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Hadii Baarlamaanka Kenya uu ku dhowaaqo in Ciidamo la geeyo Badda Soomaaliya, uu Go’aanka ugu horeeya Baarlamaanka Soomaaliya uu Noqon doono In Ciidamada Kenya laga saaro dalka.