Xildhibaan Dhakool oo xabsiga laga siidaayay

1601

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo muddo ka badan bil ku xirnaa Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa la xiray markii uu ku dhawaaqay in maalinta 18ka May ee ay Somaliland u calaamadeysay gooni isu taaggeeda uu ku sheegay in ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah.

Xildhibaan Dhakool ayaa xabsiga la dhigey kadib markii uu ku tilmaamay 18ka May maalin ay si gaar ah u leeyihiin beelo gaar ah iyadoo Maamulka Somaliland maalintaas ay ku tilmaantay maalinta xoriyada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Beelaha Somaliland aysan u dhameyn maalinta 18ka May,waxaanu sheegay in isaga uusan ka qeyb ahayn dadka xusaya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sii deynta Xildhibaan Dhakool ay timid kadib markii beesha uu ka soo jeedo ay raaligelin ka bixisey.