XILDHIBAAN FIQI “XUKUUMADDA HALA BEDELO”+VIDEO

1710

Waxaa soo geba-gaboobay, isla markaana Warmurtiyeed laga soo saarey shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Xisbiyo iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dalbaday in lasoo dhiso xukuumad cusub.

Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob, kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Qodobada ay dowladda ku eedeeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa inay ku fashilantay amniga, wadashaqeynta dowlad goboleedyada, wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay Siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Marka laga soo tago eedeymaha ay u jeediyeen dowladda, qodobka ugu weyn ee shirkan kasoo baxay ayaa ah in ka qeyb-galayaasha ay madaxweynaha ka dalbadeen taliyey inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay sheegeen inay fashilantay.

Kulankaas waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur , Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur.

Hoos ka aqriso qodobada shirka

SHIRKA XISBIYADA & SIYAASIYIINTA SOOMAALIYA

NAIROBI, 22 APRIL 2019

Maanta oo taariikhdu ay tahay 22ka Abril 2019, waxaa lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen hogaamiyayaasha qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed, xildhibaanno, siyaasiyiin kale, waxgarad & aqoonyahan magaalada Nairobi, kadib markii ay xukuumaddu diiday in shirar madaxbanaan lagu qabto Caasimada Muqdisho, iyadoo cadaaweysatay xoogagga siyaasadeed ee ka fikirka duwan.

Sababta ugu weyn ee kulanka loo qabtay ayaa ahayd walaac laga qabo halista soo food-saartay geedi-socdka dhisamaha dawladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya ee ka soo bilaabatey Carta sanadkii 2000. Ka soo qayb galayaashu waxay ka doodeen xaaladda dalka ee faraha ka sii baxaysa oo ay ugu weyn yihiin qodobada soo socda:

ARRIMAHA AMNIGA

Ka soo qaybgalayaashu waxay hoosta ka xariiqeen in Xukuumaddu ku fashilantay sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan nabadgelyada caasimadda. Waxay kaloo Xukuumaddu ka mira-dhalin waysay hirgelinta heshiisyadii amni ee ay wada galeen dawladda Federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada, iyadoo muddo sanad ah aysan kulan yeelan Golahii Amniga Qaranka. Waxay xukuumadu mudnaanta ka leexisay la dagalaanka argagaxisada Alshabaab, iyadoo xooga isugu geysay caburinta, cadaadinta iyo cagajugleynta muwadiniinta ka aragtida duwan halkii ay kasban lahayd shacabka, ayey taa bedelkeeda si ula kac ah xukuumaddu qaaday talaabooyin kala fogaynaya xukuumadda iyo shacabka sida; xirista waddooyinkii, xannibaadda dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada, raafka joogtada oo dhalinyarada lagula kaco, iyo caburinta xoogsatada iyo danyarta. Tani waxay fursad siisay in kooxaha aragagexisada ahi xoogaystaan, fursadna u helaan in ay caasimadda iyo deegaanada kale ee dalka isku ballaariyaan.

TALO-WADAAG, FEDERAALKA, DASTUURKA & DOORASHOOYINKA

Waxay ka soo qaybgalayaashu walaac ka muujiyeen isku milanka hay’adaha (Fulinta, Sharci dejinta, iyo Garsoorka) kuwaasoo galey gacanta dad tira yar oo si joogta ah ugu takrifala. Waxay kaloo walaac ay ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada, Iyo wadada mugdiga ah ee lagu wado hawlaha dib u eegsita dastuurka, iyo doorashooyinka dalka. Talo la’aanta siyaasadeed, daciifinta hay’adaha Dastuuriga ah, daahfurnaanta la’aanta geedi socodka hawlaha dhamaystirka Dastuurka iyo doorashooyinka waxay cabsi geliyeen shacanka iyo saamilayda siyaasadeed ee dalka, iyadoo markii ugu horaysay ay halis gashay geedi socodkii dhismaha dawladnimada iyo nabadaynta Soomaaliya ee Carta ka soo bilawday sanadkii 2000.

JAHWAREERKA SIYAASADDA ARRIMAHA DEBEDDA

Ka soo qaybgalayaashu waxay walaac ka muujiyeen in aysan xukuumaddu lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo deggan, iyadoo fudayd iyo fiirsi la’aan siyaasadeed ku maaraysa siyaasadaha halista gelin kara jiritaan qaranka, midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed. Waxay kaloo walaac ka muujiyeen heshiisyada mugdiga lagu gelayo ee taabanaya maslaxada qaranka iyo masiirka ummadda.

WADAHADALKA SOMALILAND & MAQAAMKA MUQDISHO

Waxay ka soo qaybgalayaashu dareen ka muujiyeen in mudo labo sano ka badan aysan xukuumaddu bilaabin wadahadaladii dawladda Federaalka ah iyo Soomaliland, taas bedelkeedana ay dhiillo iyo xasaasiyad kicin kula dhaqanto Somaliland. Waxay kaloo walaac ka muujiyeen cadaadiska joogta ah ee ay xukuumadu ku hayso shacabka Muqdisho, iyadoo hor istaagtay daddaal kasta oo lagu baadi goobayo maqaamka Muqdisho.

XUQUUQDA MUWAADINKA

Waxay ka soo qaybgalayaashu walaac ka muujiyeen caburinta & cadaadinta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho. Hoggaanka dawladdu wuxuu iska indhatiray dhibaatooyinka shacabka Muqdisho la dulsaaray oo u baahan hiil dawladeed, Haddaba, waxay cabsi ka muujiyeen in cadaadiska iyo culayska shacabka oo sii socda uu keeni karo kacdoon shacab oo horseedi kara qas & fowdo, dalkuna mar kale uusan xamili karin

GUNAANAD

Waxaa ka soo qaybgalayaasha u muuqata in labadii sano ee la soo dhaafay in wixii horay u dhisnaa aan waxba lagu biirin, balse wax loo dhimay. Mana muuqata saasaan muujinaya isbedel dhinaca aragtida iyo ficilkaba ah kaasoo lagu saxayo khaladaadkii labadii sano. Sidaas darteed waxay kasoo qaybgalayaashu ku baaqayaan:

1. In hoggaanka dalku uu la yimaado talo dalka iyo dadka lagu badbaadinayo, lana helo Xukuumad kasban karta kalsoonida shacabka & xoogagga siyaasadeed ee dalka ka jira, si loo dhamaystiro hawlaha masiiriga ah ee horyaala qaranka sida xasilinta dalka, dib u eegista dastuurka, qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo xiligeeda ku dhacda, iyada oo aan la aqbli karin wax muddo kororsi ah.

2. Haddii ay madaxda dalku maqli waydo baaqyada tala soo jeedinta waxaan ku baaqaynaa in saamilayda siyaasadeed ay isugu yimaadaan dalka gudihiisa shir Qaran bisha Juun 2019, si dalka iyo dadka loo badbaadiyo

3. Beesha caalamka oo aan beryahan u muuqanin in ay daacad ka yihiin siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu baaqaynaa in ay mudnaanta siiyaan hawlaha lafdhabarka u ah nabadaynta iyo dhisamaha dawladda Soomaaliya, kana waantoobaan hoosaasinta ay ku hayaan shacabka.