Xildhibaan Fiqi”Sharcigan doorashada waxaan u bixiyay Walwal-tire”+VIDEO

1987

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay tahay guul in dalka uu yeelanayo axsaab siyaasadeed kuwaas oo la soo dooranayo muddo dheer kadib.

Fiqi waxa uu yiri “Muwaadiniinta waxaa ay xaq u helayaan runtii doorasho xor ah oo waligood oo aysan arag muddo 50 sano ku dhow, ayada qofkii 10 sano jiray 1969-kii uusan xaq u laheyn inuu codeeyo, marka waxaa ay noqonaysaa in 67 sano qofka maanta jira doorasho qof iyo cod ah kama qeyb galin oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah, marka laga reebo gobalada qaarkood, waa baarlamaankaan iyo dadka Soomaaliyeed badankood inta nool marka fursad weyn ayey u tahay inuu wado cusub dalkaan qaado”.

Xidhibaan Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sharciga doorashooyinka uu yahay sharci looga gudbayo inuu yimaado isqabqabsi siyaasadeed oo ka dhex dhaca madaxda dalka iyo dowlad gobaleedyada iyo hanaankii Qabiilka.

“Sharcigan walwal tire ayaan u bixiyey, waxaad xor ka noqoneysaa odeygii Qabiilka ahaa ee dhibka badnaa, waxaad xor ka noqoneysaa Madaxweyne dowlad gobaleed oo ku dhibi kara, waxaad xor ka noqoneysaa madaxda Villa Soomaaliya joogta ee aad saf ugu galeysid aniga Xildhibaan iga dhig, Walwaltire ayaa la yiraahdaa marka Sharcigaan xeerarka kala duwan ee doorasho oo dal leeyahay ayaa lagu maareeyaa”.