Xildhibaan ka hadlay Khilaafka la sheegay inuu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka

1630

Khilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa qabsaday baraha Bulshada, waxaana hadda kusoo biiray ka hadlida Khilaafka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha dalka ayaa ka hadlay arinta Khilaafka, waxaana uu sheegay inuusan jirin wax Khilaaf ah oo hadda taagan.

Xidhibaanka ayaa sheegay in been abuur ay tahay hadalka ku saabsan khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka, waxaana uu sheegay in Soomaalida ay ku dheereeyaan faafinta been abuurka.

“Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay, waxaa loo aaneeya saameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado. Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa…” ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire.

Qoraalada la xiriira Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa aad looga hadal hayaa baraha Bulshada, waxaana la ogeyn xaqiiqo ahaanshaha arimahaan.