Xildhibaan Kuulow oo maydkiisa laga helay qol uu degenaa

986

Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Keyna ku geeriyooday Maxamuud Muxumed Kuulow oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah ehelada Marxuum Maxamed Kuulow ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxaana Meydka Xildhibaanka laga helay qol uu deganaa Hotel ku yaalla Magaalada Nairobi.

Ma jirto faah faahin intaas ka badan oo laga helay xaalada geerida Xildhibaan Maxamed Kuulow, waxaana la sheegay oo kaliya inuu geeriyooday, Meydkiisa laga helay qol uu deganaa.

Allaha u naxaristee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) ayaa 22-kii bishii dhamaatay ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, waxa uuna ninkan kamid ahaa xubno aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.