Xildhibaan laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka

1535

Warqad kasoo baxday Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka maamulkaasi looga mamnuucay Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Calasow.

Xildhibaankan oo kamid ahaa Musharaxiintii xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka kula loolamay Maxamed Nuur Gacal ayaa lagu eedeeyay falal lidi ku ah geedi u socodka howlaha Baarlamaanka iyo in uusan kasoo qeyb galin kulamada Baarlamaanka.

Warqada kasoo baxday Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la ogeesiiyay Madaxweynaha Galmudug ayaa looga mamnuucay Xildhibaanka kasoo qeybgalka kalfadhiga labaad waxaa sidoo kale laga joojiyay gunadii uu qaadan jiray.

Halkan ka akhriso Warqada kasoo baxday Gudoomiye Gacal