Xildhibaan loo Magacaabay Gudoomiye degmo

717

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa Xildhibaan Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug u Magacaaabay Guddoomiyaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble) ayaa horey u soo noqday guddoomiye ku-xIgeenka degmada Warta nabada (Ex-Wardhiigley) xiligii uu maamulka gobolka Banaadir gudoomiyaha ka ahaa Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Xilkan guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa waxaa baneeyey Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid noqday xildhibaanada golaha Shacabka.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA