Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad Oo markale Kuguulaystay Mid Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shaacbka

1028

Mahad Cabdalle Cawad ayaa mar kale ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 104 oo doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Guddoomiye ku xigeenka labaad isagoo helay 84 cod oo kamid ah 101dii ergo ee codeenaysay.

Shukri Cali Faarax oo la tartamaysay Mahad Cabdale Cawad ayaan wax cod ah helin halka ay codadkii soo haray ay xumaadeen.

Waxaa lagu wadaa in doorashada kursi kale ay ka dhacdo magaalada Dhuusmareeb ee xarunta maamulka Galmudug.