Xildhibaan Mahad Salaad “difaaca dalka waa muqadas”

1779

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda lagu kala aragti duwanaan karo, balse difaaca dalka uu yahay muqadas, isagoo farriin u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Mahad Salaad ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in aysan u hoggaansamin cagjugleynta Kenya, isla markaana aysan gorgortan ka gelin taako ka mid ah dhulkeena.

“Inkastoo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen. Ayna soo galeen dagaalo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib iyo siyaasad wadaag la’ ahaa Soomaaliya kahor 8dii February 2017, maantana aanan lahayn hal dowlad oo Soomaaliya saaxiib la’ ah oo iskeena garabtaagta marka ay nasoo foodsaarto culaysyo nuucaan oo kale ah”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad oo sii hadlayay ayaa yiri “waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen in aan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasada majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, laakiin dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay in uu dhinaciisa ka difaaco.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Kenya inay ixtiraamto Midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, isla markaana dhowrto deris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada dowladood, kana waantowdo faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa Safiirkeedii Soomaaliya u joogay u yeeratay, iyadoo ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi inuu si degdeg ah dalka uga baxo, iyagoo ku eedeyneysa dowladda Soomaaliya inay xaraashtay shidaalka dhul badeedka xuduuda Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran xuduuda badda ah, iyadoo dacwad ku saabsan murankaas ay taalo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, taasoo sanadkii 2017 ogolaatay in Maxkamadda awood u leedahay inay qaado dacwada labada dal, halka Kenya ay dooneysay inay ka wada hadlaan Soomaaliya oo aan Maxkamad la isla aadin.