Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Beerey) oo katagay xubin nimada gudiga dorashada

849

Xubin katirsanaa guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu ka tagay kasii mid ahaanshaha guddiga doorashada, waxaana xubinkaasi durba lagu bedelay mid cusub.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa lagu sheegay in sababo shakhsi owgeed xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Beerey) uga tagay kamid ahaanshaha guddiga doorashada.

Booska uu baneeyay Xildhibaan Maxamed Beerey ayaa durba guddoomiyaha gollaha shacabka waxa uu ku bedelay  Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo katirsan xildhibaanada gollaha shacabka.