Xildhibaan Maxamed Nuur Sh. Cade Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

276

Guddoonka iyo Dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Nuur Sh. Cade oo ku geeriyoodeey Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha ayaa ku tilmaamay in Xil. Maxamed Nuur Sh. Cade uu qeyb weyn ka ahaa Dowlad Dhiska Dalka gaar ahaan mida Koonfur Galbeed isagoo Xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladihii hore ee Dalka.

“Waxaan U rajeeyeen inta uu ka tagey Marxuumka Oo kamid ah Ehellada, qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan shacabka Deegaanada KGS in Alle Sw Samir iyo iimaan ka siiyo isagane uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Golala Wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya.