Xildhibaan Moses Kuria oo qirtay inuu qaatay $1,000 dollar oo laaluush ah

2125

Mudane ka tirsan Baarlamanka Kenya oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa qirtay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan $1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka dalkaas.

Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto inay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbeddalka lagu samaynayo dastuurka Kenya.

“Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yiri, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay ee laaluushka aheyd oo uusan cadeynin cida bixisay.

Amos Kimunya oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax laaluush ah la siiyey baarlamanka.

Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaharka badan baarlamaannada caalamka hase ahaatee dalkan ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee safka hore kaga jira Musuqmaasuqa.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN