Xildhibaan Sakariye”Galmudug Maahan Mehrad Macalin Maxamuud leeyahay oo lagula Gorgortamaayo”+VIDEO

1700

Xildhibaan Sakariye Kaashaan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hor hadlaayay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kasoo horjeestay dadaallada Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ka waddo Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Galmudug dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhibaato ku heyso, islamarkaana waxaa uu sheegay in Macalin Maxamuud oo dowladda ay ka gadanayso Galmudug uusan Saxiix ku laheyn dhismihii maamulka.

Waxaa uu xusay in tahay wax laga xumaado in dowladda dhexe ay hareermartay dadkii dhistay Galmudug oo ahaa 11 Qabiil, islamarkaana ay la safatay Wadaad diimeed oo xil ka heynin Galmudug.