Xildhibaan Sanyare oo loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland

1628

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland loogu magacaabay in uu noqdo Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare).

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Sanyare ayaa la dhashay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Qaraxa ismiidaaminta ahaa lagu dilay, waxa uu sidoo kale Sanyare Xildhibaan kasoo noqday Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Digreetada magacaabista gudoomiya

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: ​Dastuurka ​Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug

Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.