Xildhibaan Sareedo oo laga reebay diyaarad u socotay Baydhabo

43

Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, ayada oo tallaabo horleh ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu celiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Sareeda oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in saaka loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo kusii jeeda magaalada Baydhaba, waxayna tilmaamtay in saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gebi ahaanba laga reebay diyaaraddii ay raaci lahayd oo kusii jeeday deegaan doorashadeeda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in arrintan ay muujineyso beegsi gaar ah oo lagu hayo xildhaannada Digil iyo Mirifle, sida ay hadalka u dhigtay.

Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.

Horay waxaa u jirtay in garoonka sidoo kale lagu xayiray taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Baay iyo Bakool, walow markii dambe la fasaxay.

Dhammaan dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii hurinayo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si aad ah la’isugu qabtay arrinta Itoobiya, kadib markii ay koonfur Galbeed ka hortimid qorshaha Villa Somalia.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase soconayo dadaallo ay waddo dowladda oo lagu qaoobjinayo xiisadda, ayada oo sidoo kale la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Baydhaba si uu usoo qanciyo C/casiis Laftagareen.