Xildhibaanad (Munashiibiyo) oo ku geeriyootay Muqdisho

1564

Allaha u Naxariistee waxaa Galabta Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyootay Maryan Cali Abtidoon (Munashiibiyo) ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug

Marxuumada ayaa maalmahaan ku jirtay Mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magalada Muqdisho oo lee keenay si loogu daaweeyo kadib xanuun soo wajahay.

Mas’uuliyiin ay ugu horeeyaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay uga tacsiyadeeyey Xildhibaannada.