Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo la dhaariyay

1814

Xubnaha cusub Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa maxkamada sare ku dhaarisay xarunta golaha wakiilada, kadib markii shalay lagu dhowaaqay liiska xildhibaanada cusub.

Dhaarinta kadib ayaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland waxaa la siiyay aqoonsigooda. Goobta lagu dhaariyay ayaa waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah waxgaradka maamulka Puntland,iyo siyaasiyiin kale.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa in 3da bishan Janaayo ay doortaan Guddoonka Baarlamaanka.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa doortay guddoomiye KMG ah u doortay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo ah qofka ugu da’da weyn ee kujira baarlamaanka,ilaa laga soo dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka ee rasmiga ah.

Ololaha doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa si xowli ah u bilaabatay xalay kadib markii lagu dhowaaqay magacyada Xildhibaanada kuwaasoo isugu jira kuwo hore iyo kuwo cusub.