Xildhibaanada Dhulbahante oo diiday u yeeridii Deni ee Garoowe

7

Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda degaanada SSC-Khaatumo ayaa ka cudur daartay inay kasoo qeyb galaan wadatashiga uu maamulka Puntland ugu yeeray inay ku yimaadaan magaalada Garowe.

Warar aan helayno ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada SSC ay soo saari doonaan war murtiyeed ay ku caddaynayaan inay ixtiraamayaan go’aankii labadii bishii labaad ee sanadkii hore soo saareen Isimada SSC, kuwaas oo sheegay inay yihiin maamul madax bannaan oo hoos yimaada dowladda Federaalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo kamid ah xildhibaanada SSC, balse lagasoo doortay Puntland, ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee caddeeyay mowqifkiisa isagoo sheegay in uusan ka qeyb galayn wadatashiga Garowe. Wuxuu sheegay inuu tixgalinayo jiritaanka SSC Khaatumo.

Xildhibaan Qowdhan ayaa kamid ahaa xildhibaanada saaxiibada dhow la ahaa madaxweyne Deni, isagoo horey usoo noqday wasiir ku xigeenkiisii maaliyadda Puntland.