Xildhibaanadii beelaha Banadiriga oo muqdisho lagu doortay

913

Waxaa Maanta oo jimco ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ka dhacday doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga ee Baarlamaanka 11-aad.

Doorashadan oo shan kursi aheyd ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiyada doorashada  heer Federaal iyo kuwa xallinta Khilaafka, waxaana doorashada qabsoontay, iyada oo xal laga gaaray khilaaf ka dhashay kuraasta qaarkood.

 

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#266 ayaa waxaa ku guuleystay oo kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir Cumar Shariif Maxamed (Jeeg),(Beesha Moorsho)  waxaana hore ugu fadhiday Biibi Khaliif Maxamed.

Kursiga Hop#034 ayaa waxaa ku soo baxday Khadiijo Maxamed oo loo yaqaano Al-Maqsuumi  (Beesha Reer Shiikh) oo ah Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Pakistaan, waxaana kursigaan horey ugu fadhiyey Khaalid Macoow Cabduqaadir.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde, (Beesha Shaashi) iyadoona dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Jeylaani Nuur Iikar,

kursiga Hop#084 ayaa waxaa kusoo baxay Taliye ku-xigeenkii Booliska Gobolkaan Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji Jeego (Beesha Bandhabow)

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee Beelaha Banaadiriga ee Maanta la qabtay Hop#265 ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Nuur Abuukar, waxaana kursigaas afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Shariif Maxamed Cumar

Gebi ahaan waxaa Maanta sidaas lagu qabtay doorashada shanta kursi ee Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga, waxaana la xaliyey khilaaf ka dhashay doorashada oo sababay in markii hore la joojiyo, balse markii dambe la fasaxay doorashadaas.