Xildhibaanadii taageersanaa Farmaajo oo cabsi lasooderistay

1821

In ka badan 100 mudane oo ka tirsan xildhibaannada dowladda Soomaaliya ayaa waxay xalay kulan albaabada u xiran la yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , iyaga oo ka codsaday inuu caddeeyo mowqifkiisa dhinaca doorashada .

Xildhibaannadan ayaa waxay soo jeediyeen ineysan suura-gal aheyn , in dalka uu aado doorasho dad ban, xilli Baarlamanka aqalka hoose uu horay u meel-mariyay xeerkii doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaannada la wadaagay inuu tegayo magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu talada kusoo celin doono wixii uu kala kulmo. Sida qaar kamid ah mudanyaashii ka qeyb-galay kulankii xalay ay HOL u sheegeen.

Kulanka madaxweynaha iyo xildhibaannada xalay ay ku yeesheen madaxtooyada qaranka ee Villa Somalia, ayaa kusoo aadaya saacado uun kadib markii Guddoomiyaha Baarlamanka aqalka hoose Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu qaaddacay mid kamid ah qodobadii war-murtiyeedkii madaxda maamul Goboleedyada ee ah in Soomaaliya aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah .