Xildhibaanadii Ugu Dambeeyay  Oo Maanta Baydhabo Laga doortay

884

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-175 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo  kala ah Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) iyo Aadan Maxamed Ibraahim, waxaana doorashada kursigaas ku guuleystay Cabdirashiid Maxamed oo helay 70 Cod.

Kursiga labaad ee doorashadiisa ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa uu tirsigiisu yahay Hop-185 oo ay ku tartameen Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdulaahi Maxamed Isaaq, iyadoona uu kursigaas kusoo baxay Maxamed Bare oo ah wiil dhalinyaro ah oo helay 71 Cod.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-185 ayaa loo doortay oo ku guuleystay Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo helay Codad gaaraya 71-Cod, isla markaana waxaa doorashada ku tartamay Maxamed Nuur Maxamed.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-188, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 73 Cod, waxaana doorashada kula tartamay Musharax lagu magacaabo Cabdisamed Aadan Isaaq.

Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa ka dhacday Baydhabo oo tirsigiisu yahay Hop-177 ayaa waxaa ku tartamay  Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) iyo Maxamuud Abuukar Kheyr, iyadoona uu ku soo baxay Cabduqaadir Sheekh oo helay 75 Cod.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Baydhabo, waxaana wixii Maanta ka dambeeya la guda geli doonaa doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas.