Xildhibaankii ugu hireyay ee beesha Habar Gidir oo laga soodoortay Somaliland

1894

Nin kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa la sheegay inuu xildhibaan ka noqday Somaliland, iyadoo ay weli soo baxayaan Natiijooyinka Doorashadii Goleyaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Maamulkaas

Wararka ayaa sheegaya in Mudane Qaasim Aadan Saleebaan oo kasoo jeeda Jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir loo dortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiila ee Baarlamaanka Somaliland.

Musharaxan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa laga soo doortay Gobolka Sool, waxaana halkaasi si weyn u dega beesha uu kasoo jeedo.

Aadan Qaasim ayaa dhowaan lagu xiray Magaalada Hargeysa, wuxuuna xarigiisa ku tilmaamay mid sharci darro ah oo siyaasadeysan oo ay ka dambeeyeen madaxda xisbiga Kulmiye.