Xildhibaankii Ugu Horreeyay Oo Lagu Doortay Jowhar

909

Waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Dowalad Goboleedka Hirshabeelle ka socota doorashada Golaha sahcabka ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in manta Jowhar lagu doorto ilaa iyo lix Xildhibaan, kuwaasi oo haatan qayb la doortay qaybna loo madalsan yahay in saacadaha soo aaddan la doorto.

Doorashada oo Saaka bilaabatay ayaa waxaa la doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka hieshabeelle ku matali doona Baarlmamaanka 11aad, waxaana doorashada Kursigii ugu horreeyay kusoo baxay Yusuf Ibrahim Afrah (Yuusuf Kabaale).

Yuusuf Kabaale ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-033 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 69 -cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed xuseen sabriye uu heley 22-codn, Waxaa halaabay 6- cod, Wadarta guud ee soo xaadirtay Ergada ayaa ah 97-qof.

Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada  ee ka hawl galaya Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo uu hogaaminaayo  Maxamed  Cumar Maxamuud oo ah Guddoomiyaha qeybta Hirshabelle kala shaqeynayo doorashada ayaa Saakay ka Qeybgalay Doorashada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa  magaalada Johwar.