Xildhibaannada Somalia ku metalaya barlamanka EAC oo la doortay =SAWIRRO

53

Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa doortay xubnaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Doorashadan oo qaadatay saacado ayaa waxay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka ku doorteen 9-ka xubnood ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Xubnaha la doortay ayaa waxaa ku jirta 4 haween ah, halka 5 xubnood ee kale ay yihiin rag. Xildhibaannada la doortay ayaa kala ah;

1. Xuseen Xasan Maxamed
2. Fadumo Cabdullaahi
3. Sahra Cali Xasan
4. Cabdisalaam Hadliye
5. Fahma Axmed Nuur
6. Abuukar Mardaadi
7. Feysal Cabdi Rooble
8. Ilhaan Cali Garas
9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif

Doorashada xubnaha ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025 oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).