Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo lacayriyay

1735

Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah.

Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan.

Xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen xubnihii abaabulay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga ee sababay dhimashada dad gaaray 58 qof.

Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Aadan Faarax ayaa dhawaan sheegay in uu fashilmay afgambi lagu doonayay in lagu sameeyo Maamulka cusub.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar ayaa isaguna todobaadkii la soo dhaafay sheegay in laga guuleystay kuwo uu ku tilmaamay haraadiga Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaswadayaal ahaa.

Golaha Wasiirrada ee Ismaamulka Soomaalida ayaa todobaadkii hore xilkii Wasiirka Warfaafinta ka qaaday Guuleed Cali Kaahin oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa rabshadihii Jigjiga.

Madaxweynihii hore ee ismaamulka Somalida ayaa shalay ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Adis ababa.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa beeniyay eedaha loo heysto,waxaana uu ku dooday in ay abaabuleen kuwo dangaar ah ka leh Gobolka.

Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in rabshadihii ka dhacay Jigjiga Bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 58 qof, dad ka badan 200 qofna ay ku dhaawacmeen.

Xildhibaannada maanta xasaanadda laga qaaday lama sheegin in la xirayo iyo in kale maaddaama xeer ilaalinta soo gudbisay 47 qof oo dambi ka galay gobolka kuwaas oo qaarkood xilal haya,kuwana ay dibadda u baxsadeen halka kuwo kale oo uu Cabdi ka mid yahayna ku jiraan gacanta Hay’adaha garsoorka.