Xildhibaano Ingiriis ah oo Ku Baaqay In Somaliland Loo Aqoonsado

16

Koox xildhibaano ah oo ka tirsan labada xisbi ee Baarlamaanka UK ayaa si wadajir ah ugu baaqay Dowladda Ingiriiska in ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, taasi oo haday dhacdo isbadal ku samayn karta siyaasada Ingiriiska ee Geeska Afrika.

Baaqani wuxuu kusoo beegmayaa daah-furka warbixin muhiim ah oo la yidhaahdo “Wadada aqoonsiga Somaliland” oo lagu soo bandhigay Xarunta Baarlamaanka UK ee House of Commons ka 26-kii Juun, oo ku beegnayd 65 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland xoriyada ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii.

Warbixintan cusub waxaa daah-furay koox ka tirsan Baarlamaanka UK oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha aqoonsiga Somaliland (APPG), oo uu guddoomiye u yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga UK, Rt. Hon. Sir Gavin Williamson CBE MP. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah Kim Johnson MP oo ah guddoomiye ku-xigeen, Abtisam Mohamed MP oo ah ku-xigeen kale, iyo Lord Udny-Lister oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan guddiga.

Xildhibaanadan ayaa ku dooday in Somaliland ay leedahay taariikh cajiib ah oo dhanka nabad-dhisidda, hannaanka dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida dowladnimada ah – taasoo ka dhigtay meel ka duwan dalalka kale ee gobolka oo inta badan wajahaya fowdo iyo xasillooni darro.

Warbixintu waxay si cad u muujineysaa in UK ay door hoggaanimo ka ciyaari karto aqoonsiga Somaliland, iyadoo xoogga la saarayo fursadaha dhaqaale, muhiimadda istaraatiijiyadeed iyo xitaa mas’uuliyadda anshaxeed ee ay leedahay taageeridda dimuqraadiyadaha shaqaynaya.

“Adduun aan la saadaalin karin oo aan deganaynin ayaan maanta la nool nahay, UK-na waxay u baahan tahay asxaab iyo xulafo lagu kalsoonaan karo,” ayuu yidhi Sir Gavin Williamson.

“Somaliland waxay dhistay bulsho degan, dimuqraadi ah, iyadoo caqabado badan ka gudubtay, waana meel xasillooni ka jirto marka loo eego dalalka kale ee gobolka.”

APPG waxa ay sidoo kale sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu kor u qaadi doono saameynta istaraatiijiyadeed ee UK ee Bariga Afrika, furi doono suuqyo ganacsi oo cusub, isla markaana muujin doono sida ay UK uga go’an tahay ilaalinta qiyamka dimuqraadiyadeed ee caalamiga ah.

Warbixintu waxay xustay xidhiidhka taariikheed ee UK iyo Somaliland, bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska, iyo kaalinta London ay ku leedahay siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Qorshaha siyaasadeed ee ugu weyn ee ku xusan warbixinta waa abuurista hay’ad la yidhaahdo “Hay’adda Madaxbanaanida”, taas oo noqon doonta hay’ad talo-bixin siin doonta dowladda UK, kana shaqeyn doonta arrimaha aqoonsiga Somaliland.

Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka baxday midowgii 1991-kii, waxay si buuxda uga shaqaynaysay sidii ay u noqon lahayd dal madax-bannaan, waxayna suuragalisay in ay dhisato xukuumad shaqaynaysa, doorashooyin xor ah, lacag u gaar ah, iyo ciidamo ammaankeeda ilaaliya. Hase yeeshee, wali lama aqoonsan.

“Somaliland waxay mudnayd aqoonsi markay madax-bannaanideeda dib u xaqiijisay sanadkii 1991-kii,” ayuu yidhi Williamson. “Haddii waqtigaas la seegay, waqtiga ugu habboon ee la aqoonsan lahaa waa maanta.”