Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa ku waramaya in xalay saqdii Dhaxe qarax miino lagu weeraray labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle.
Xildhibaanada oo lagu kala magacaabayay Maxamed Cabi Cali (Maxamed Dheere) iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow (Kheyre) ayaa qaraxa lala beegsaday xili ay kasoo baxeen xaflada ka socotay Jowhar ayna kusii jeedeen guri ay degnaayeen.
Sida aan wararka ku helnay qaraxan oo ahaa mid miino ayaa lala eegtay labadan Xildhibaan xilli ay ku lugeynayeen meel u dhaxeysa xarunta shirkadda biyaha ee Farjanno iyo saldhiga Booliska magaalada Jowhar abbaaro labadi habeennimo.
Dhaawacyada Xildhibaanada ayaa loola cararay isbitaal kuyaala magaalada Jowhar, waxaana ciidamada booliiska maamulka Hirshabelle bilaabeen baaritaano ku aadan qaraxan miino ee lagu dhaawacay labada Xildhibaan.
War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyada qaraxan miino ee xalay saqdii dhaxe lagu dhaawacay labadan Xildhibaan ee katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.