Xildhibaano taageersan Axmed Madoobe oo cambaareeyay xayiraada duulimaadyada Doolow

15

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareeyay go’aannada lagu xayiray duulimaadyada rayidka ah ee Doolow, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka hor imaanayaan shuruucda dalka iyo axdiyada caalamiga ah.

 

 

War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanndan, ayaa lagu sheegay in go’aanka hay’adda duulista uu yahay mid si cad uga soo horjeeda qodobbada 61aad, 69aad iyo 21aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Qodobbadaas ayaa si cad u damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee ilaalinta xuquuqdaas.

 

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxda dowladda in ay caadeysteen xad-gudubyo ku saabsan xuquuqda muwaadiniinta iyo inay si aan sharci ahayn u hakiyaan isu-socodka gudaha dalka, taasoo liddi ku ah sida ay sheegeen shuruucda qaranka iyo axdiyada caalamiga ah ee ay Soomaaliya ka qayb tahay, sida Axdiga ICAO/Chicago.

 

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambayn digniin adag loogu diray hay’adaha iyo madaxda mas’uulka ka ah falalkan, iyagoo ku boorriyay in ay si degdeg ah dib ugu noqdaan amarro iyo ficillo lagu sheegay inay yihiin kuwa sharci-darro ah.