Xildhibaano u ololeynaya in Somaliland lagu daro liiska argagixisada

493

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u ololayna in liiska argagixisada lagu daro Maamulka Somaliland.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadan oo ka soo jeeda gobolada SSC ayaa arrintan ku salaynaya falalka bahalnimada ah ee Taliska Muuse Biixi ka sameeyay magaalada Laascaanood sida ay warka u dhigeen

“Muuse Biixi iyo Maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso Laascaanood waxa ay ka sameeyeen ayaa tusaale kuugu filan” ayuu noo sheegay xubin ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Waxaa uu intaas ku daray inay soo jeedintaas horgeyn doonaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bishan June furmaya si uu go’aan gole u noqdo.

Xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee Somaliland dagaalka ka waddo ayaa saameyn xoogan ku eh Go’aannada Baarlamanka Puntland.