Xildhibanadi taageray Itoobiya oo mooshin laga keenay

197

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa wajahaya cadaadis xoog leh, oo ku aadan mooshin laga qoray 25 xildhibaan oo lagu eedeeyey, in ay Qaranimada Soomaaliya ka horyimaadeen oo ay Itoobiya taageereen, kana soo horjeesteen heshiiska Masar.

Mudanayaal baarlamaan oo uu lajiro cadaadiska Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lakulmay caawa guddoonka baarlamaanka oo ay usheegeen in Mooshinkan uu berri golaha keeno.

Inkastoo aan la ogeyn waxaa ku qoran mooshinkan haddana warar qaar ayaa sheegaya in mooshinkan uu ku baaqayo in xasaanada laga xayuubiyo xildhibaanadaas si loo loogu soo oogo dembi qiyaano Qaran.

Aadan Madoobe Gudoomiyaha baarlamanka Somalia ayaa waxaa cadaadisyo iska horjeeda oo la xiriira mooshinkan ku haya Villa Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed, lamana oga dhinaca uu uu liici doono.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda degaanada Koonfur galbeed ayaa si cad uga soo horjeestay in degaanadooda laga saaro ciidamada Itoobiya, laguna bedelo kuwa Masaarida ee dalka la keenayo, iyagoo ku andacoonaya in ciidamada Itoobiya ay shacabka degaanadaas ka difaacaan Al Shabaab, hadii laga saarana ay shabaabku la wareegayaan.