Xiliga la aasayo Marxuum Nuur-cadde oo la shaaciyey

1899

Qoyska RW hore ee Somalia Allaha u naxariistee Marxuum Nuur Xassan Xusseen (Nuur-cadde) ayaa shaaciyey xiliga iyo goobta lagu aasayo meydkiisa oo ku jira haatan qaboojiyaha isbitaal ku yaalla London.

“Ra’isul Wasaarihi hore Soomaaliya , Allaha u naxariistee Marxuum Nuur Xassan Xusseen (Nuur-Cadde) oo ku geeriyooday Magaalada London ayaa la Aasi doonaa 10/04/2020 oo ku beegan Jimcaha berri ah saacaddu markey tahay 2:00 duhurnimo waqtiga London ama 4:00 galabnimo waqtiga Muqdishu, ummadda Soomaliyeed waxaan ka codsanaynaa inay u soo duceyaan kuna dukadaan Salaatul Jinaaso Qaa’ib ah, Gogosha tacsida oo ka furan guriga uu marxuunku ka deganaa Muqdishu waxaa la soo xiri doonaa maalinta Isniinta oo taarikhdu tahay 13/04/2020” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay qoyska marxuum Nuur cadde.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa dhowaan London ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus, sida ay qoyskiisa xaqiijiyeen.

Bishii hore ee March 26, ayaa la dhigay Isbitaal ka dib markii uu ku dhacay fayraska Covid-19, wuxuuna ahaa shaqsi taariikh weyn ku leh arrimaha siyaasada iyo gargaarka ee dalka Somalia.