Omar Fateh, oo ah musharraxa Xisbiga dimoqraadi ah oo leh aragtiyo bulsho-dimoqraadi ah, ayaa dhawaan guul muhiim ah ka gaaray tartanka duqa magaalada Minneapolis, Waxa uu noqday musharraxii ugu horreeyay tan iyo 2009-ka ee helo taageerada rasmiga ah ee xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada.
Taageeradan ayaa timid kadib shirweyne xisbiga uu yeeshay bishii la soo dhaafay, inkasta oo uu shirku ahaa mid lagu tilmaamay inuu ahaa mid fawdo ah, oo ay ka jireen qaladaad dhinaca nidaamka iyo farsamada ah.
Si lama filaan ah, mas’uuliyiinta xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota ayaa Khamiistii qaaday tallaabo aan horey loo arag waxay kala noqdeen taageeradii ay laanta Minneapolis ee xisbiga siisay Sen. Omar Fateh, Waxayna ku sababeeyeen go’aankooda “khaladaad culus” oo ka dhacay shirweynihii lagu doortay Fateh.
Arrintan ayaa muran badan dhalisay waxayna saameyn ku yeelan kartaa ololaha doorashada duqa magaalada, maadaama musharraxa uu luminayo taageero xisbiga gudihiisa ah xilli ololuhu galay meerto xasaasi ah.
Khilaafka ka dhashay taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee musharrax Omar Fateh wuxuu muujinayaa sida ay u adkaan karto isbeddel raadinta siyaasadeed xitaa marka taageero muuqata laga helo xisbiga.Waxaana la sugayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan musharraxa iyo xisbiga si loo dejiyo xaaladda.