Xisbiga Sheekh Shariif oo dacwad kaguuleestay dowlada Farmaajo

1598

Xisbiga Himilo Qaran uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleestay dacwad ka dhan aheyd Hey’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya oo ay u gudbiyeen Maxkamada sare ee dalka.

Dacwadan xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyeen Heyadda Dowlada u qaabilsan Saadaasha hawada ayaa la xariirtay xanibaadii lagu sameeyay safar Sheekh Shariif ku aadi rabay magaalada Kismaayo bishii September ee sanadkii hore.

Axmed Maxamed Sheekh Koofi oo ahaa qareenka u doodayay Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in dacwada kaga guuleesteen Dowlada, waxa uuna u mahad celiyay Maxkamada sare ee dalka oo go’aan ka gaartay dacwadan.

Waxa uu sheegay Qareenka in Maxkamada sare ee dalka ku amartay dowlada in magdhaw ka bixiso xayiraadii dhinaca socdaalka ee lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

”Aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay in Maxkamadda sare ilaalisay sareynta sharciga iyo danta guud ee Cadaaladda, waa u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo garsoorayaasha Maxkamadda sare in go’aankaas cadaalada ku dhisan ee sharciga iyo shuruucda dalka ay soo saartay, xukunka annaga ayuu noo dhacay, xisbiga himilo qaran ayaa loo xukumay”ayuu yiri Qareenka u doodayay Xisbiga Himilo Qaran.

Dowlada Soomaaliya ayaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed kahor istaagtay safar uu ku aadi rabay magaalada Kismaayo , waxa uuna Sheekh Shariif xiligaa Kismaayo u aadayay caleemo saarkii Axmed Madoobe oo dowladu u aqoonsaneyn Madaxweyne.