Xizbullah oo cadaysay geerida hogaamiyahooda Xasan Nasrallah

44

Kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa goor-dhow xaqiijisay in la dilay hogaamiyahoodii Sayid Hassan Nasrallah, ka dib markii Israel ay sheegtay in ay “ku khaarijisay” weerar ay maalin ka hor ka fulisay koonfurta Beirut.

Sayid Xasan Nasrallah, Xoghayaha Guud ee Xizbullah, waxa uu ku biiray saaxiibadiisa waa weynaa ee shahiiday, ee uu hoggaaminayay muddo ku dhow 30 sano,” ayay Xizbullah ku tiri bayaan ay soo saartay.

Goor sii horreysay oo maanta ah, Ciidamada Difaaca ee Israel ayaa sheegay in Nasrallah ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.

Nasrallah ayaa ilaa hadda ah bartilmaameedka ugu weyn ee ay Israel disho kadib toddobaadyo ay dagaal culus kula jirtay Xizbullah.

Milatariga Israel waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqayn beegsi huban ah Jimcihii, xilli ay hoggaanka Xizbullah ku kulmeen xaruntooda Daahiye ee koonfurta Beirut.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhinteen, 91 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii Jimcaha, kuwaas oo dhulka la simay lix guri oo dabaq ah.

Ali Karki, Taliyaha Jabhadda Koonfureed ee Xizbullah, iyo taliyayaal dheeraad ah oo Xizbullah ah, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, sida uu sheegay militariga Israel.