XOG:- CUSUB, Dowladda Soomaaliya oo taageero meletari weydiisatay Turkiga iyo Eritrea:-

1695

Dowladda Soomaaliya ayaa wada xaajood kula jirta dalalka kala ah Turkiga iyo Eretria si ay u bedelaan ciidanka nabad ilaalinta Amisom ka dib marka uu xilligoodu dhamaado sanada 2021ka.

Sida lagu daabacay jariirada Theeastafrican, dowladda Soomaaliya ayaa u aragta Turkiga in uu yahay saaxiibka kaliya ee wax ka qaban kara mashaakilka amni ee haysta Soomaalida, balse hamiga dowladda Soomaaliya ayaa kaliya hirgali kara hadii ay aqbalaan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo leh ogolaanshaha ay hadda ku joogaan ciidamada Amisom.

Si la mid ah Soomaaliya ayaa dhawanahan la sameysatay dalka Eritera xulafo si la mid ah Ethiopia, lana aaminsan yahay in qorshahan qeyb weyn ay ka noqn doonto… balse warkan oo wax laga weydiiyay danjiraha dalka Turkiga u fadhiga Kenya Cemil Miroglo ayaa iska bari yeelay.

Amison ayaa sida uu qorshuhu yahay ka bixi doonta Soomaaliya sanada 2021ka balse ma muuqato guulo waaweyn oo ay ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, si la mid ah waxa ay ku guul dareysteen in ay tababar iyo qalabeynba u sameeyaan 30,000kun oo askar Soomaali ah sida uu qorshuhu ahaa, hadda 10,000 oo askari kaliya ayay tababareen in kabadan 10 sano oo ay dalka Soomaaliya joogeen.

si kastaba ha ahaatee Dowladda iyo shacabka Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu dhow Soomaaliya ee ka caawiya dhan walba sida Tababarka ciidamada, dib u dhiska xarumaha dowladda iyo waxbarashada lamana oga sida uu usuura gali karo hindisahan.