XOG.Dhab ah Dowladda Somaliya oo wadda Qorshaha lagu Xalinayo Tabashadda Ahlusuna

1548

Raysulwasaaraha XFS Kheyre ayaa Saacadihii ugu Dambeeyey Wada Xiriiro uu Ku Doonayo in Lagu Xaliyo Tabashada Ahlusunna waxa uuna Raysulwasaaruhu dib u Dhigey Safar maanta Gudiga Farsamo ee Doorashooyinku ku Imaan lahaa Dhuusamareeb , Waxaa sidoo kale Raysulwasaaruhu uu Culumada Ahlusunna u Sheegey in La Siinayo 12 Xubnood oo Baarlamaanka ay Ku Yeelan doonaan Walow aan La Ogeyn Sida Ahlusunna soo Jeedintaas ay Raali ugu Noqon doonto maadaama ay Doonayeen 35 Xubnood sida uu BBC shalay u Sheegey Sh Shaakir .

Siyaasiyiin Labada Dhinacba Xiriir wanaagsan la Leh ayaa Isku Dayaya Isku soo Dhoweynta labada Dhinac, iyadoo ogolaanshaha Soo jeedintaasi kadib Dowladu Qorsheyneyso in Xubno ahlusunna matalaya loogu Biiriyo Gudiga Taa oo Dhameyn Karta Tabashada Taagan.

Ahlusunna iyo Dowlada oo Sidaan oo kale Isku Qabtey Waqtigii la Magacaabey Gudiga Dib U heshiisiinta Bishii “August ” inkastoo Si hoose loo Xaliyay Qilaafkii waqtigaa Aloosmey.

#ILASOCO