XOG:-Dowladda Farmaajo iyo Itoobiya oo Wadda qorshe Lagu Afganbinaayo Hogaamiye Ahmed Madoobe

1623

Diyaarad ay leeyihiin Milateriga Itoobiya oo aan la ogeyn rakaabka ay siday ayaa maanta loo diiday inay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoo arrintaas ay xiisad ka dhex dhalisay Ciidamada Kenya, kuwa Jubbaland iyo Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sida wararku sheegayaan Diyaaraddan ayaa la ogaaday inay siday boqol ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Itoobiya, taasoo ka soo kacday magaalada Godey

Ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in gawaaridooda ay ku hor-gooyeen wadada ay diyaaradaha ku degaan ee Garoonka Kismaayo, si ay u hor-istaagaan in diyaaradda laga leeyahay Itoobiya soo degto.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha Jubbaland ay cabsi ka qabeen in diyaaradda ay sido Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasoo doonayay inay saldhig ka sameystaan garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Arrintan ayaa daba socotay qorshe ay todobaadkii hore u tageen Kismaayo Saraakiil ka tirsan Itoobiya, kuwaasoo ku guuldareystay in Axmed Madoobe ka dhaadhiciyaan inuu u ogolaado Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inay yimaadaan Kismaayo, isla markaana dib loo dhigo waqtiga doorashada, inkasoo markii dambe uu dib u dhigida doorashada ka aqbalay Wakiilka Qaramada Midoobey.