XOG:-Galmudug oo Wajaheysa Xaalad Siyaasadeed Oo Adag ka dib markii…

1593

Maamulka Galmudug ayaa wajahaya Khilaaf cusub ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu si rasmi uga laabtay tilaabadii uu ugu wakiishay howlaha maamulka Galmudug Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Khilaafka cusub ayaa ka dhashay hanaanka Awood qeybsiga beelaha maamulka Galmudug, Magacaabista Guddiga doorashooyinka Galmudug iyo soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in faragalin kaga timid hanaanka soo xulista Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug, iyo ku dhawaaqista Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa ii sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale Madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa diyaariyay Guddi doorasho oo ka kooban 12 qof.

Dowlada ayaa ku dhawaaqeysaa Guddi doorasho halka sidoo kale Madaxweyne Xaaf uu ku dhawaaqi doono Guddi doorasho.

Madaxweyne Xaaf ayaa taageero ka helaya inta badan beelaha degan Mudug iyo Cadaado, waxaana laga yabaa Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka Xaaf in ay kasoo muuqdaan xubno Awood siyaasadeed leh.

Galmudug ayaa qarka u saaran in ay yeelato Labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda waxaana dhammaan fashilmay dadaallo lagu xalinaayay Khilaafka Cusub ee Madaxweyne Xaaf iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.