Xog laga helay Sababta Xabsiga Loogu Hayo Sheikh Mukhtaar Roobow

1499

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa muddo ku dhow 150 maalmood ku xiran Xabsi ay maamulaan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya, oo ku yaala taliskooda ugu wayn ee Habar Qadiijo, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta loo jeedinayo dowladda ee ah in la sii daayo Abuu-Mansuur.

Ilaa hadda ma jirto maxkamad la soo taagay Abuu Mansuur, waxaana dad badan ay u arkaan xeraggiisa inuu yahay mid Sharci darro ah, ayada oo lagu eedeeyay hogaanka dowladda Soomaaliya in ay is hortaageen heshiiyo badan oo lagu sii deyn lahaa Abuu Mansuur.

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Sababta ka dambaysa inay Dawladdu Xabsiga ku hayso Mukhtaar Roobow oo Horay uga mid ahaa Kooxda Alshabaab una tartamay Madaxwaynaha KoonfurGalbeed oo laga Joojiyey.

1 – Abuu Mansuur waxa uu heestaa dhalinyaro hubeysan oo leh awood ciidan kuwaas uu ku mucaaradi karo dowladda Soomaaliya, waana qodob kamid ah waxyaabaha ay uga cabsi qabto sii dees-madiisa.

2 – Waqtiga dowladda oo gabaabsi ah, haddii ay dowladda Soomaaliya sii deyso Abuu Mansuur waxa uu ka mid noqonayaa mucaaradka Dowladda ee dhanka siyaasadda ,waxana uu ku wiiqayaa awoodda dowladda saameentiisa siyaasi iyo midda deegaan, waana sababta labaaad oo ay dowladda Soomaaliya uga cabsi qabto Abuu Mansuur.

Arimahaas ayaa la sheegay in ay yihiin qodobada ugu waa-wayn oo ay Dowladda Soomaaliya Xabsiga ugu sii heyso Abuu Mansuur oo ah hogaamiye saameyn ku leh deegaanada Koonfur Galbeed iyo beelaha ku heebta Roobow.

Soomaali iyo ajaaniib la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayday in la sii daayo Abuu Mansuur, balse waxay madaxda dalka ku adkeesteen in aysan sii deyn doonin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo bishii December laga xiray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.