Xog: Liiska xildhibaanada HirShabeelle oo Muqdisho lagu diyaariyay

1398

Qaar kamid ah xubnaha guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa sheegay in aysan heysan madaxbanaani ay ku gutaan shaqooyinka horyaalla, islamarkaana loo dhiibay liis xildhibaano oo qoran.

Xubnahan ayaa sheegay in inta ugu badan ay diyaarsan yihiin Xildhibaanada cusub ee HirShabeelle, waxaana lagu soo diyaariyay magaalada Muqdisho iyadoo aysan ka war-qabin beelaha iyo xubnaha guddiga farsamada.

“Xildhibaanada waa diyaarsan yihiin 80% waxyar oo ay ka taagan doodo ayaa dhiman waxaana lagu soo diyaariyay Muqdisho, annaga ka guddi ahaan door muuqda haba-yaraatee kuma lihin howlaha socda, laakiin magacayna ayaa lagu shaqeestaa qaarkeynna waa la adeegsadaa inta soo hartayna qof la tashato ama howl u dirsato maleh,” ayuu yiri masuul ka tirsan guddigaan oo aan qarinay magaciisa.

“Guddiga dhan waxaa ka shaqeysa 3 nin, iyagana uma madaxbanaana shaqada ee wixii loo diro ayey qabtaan, beelaha intooda ugu badan soo xulista door kuma lahan, dhamaan xildhibaanada hal nin ayaa go’aan ka gaara, waana musharax ay dowladda wadato,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulkaan ka tirsan guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle.