XOG:- Madaxweyne Dani, & Gudomiyaha Barlamanka Puntland Khilaaf Siyaasadeed,

1681

ullaahi Denni iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa mar kale cirka isku sii shareeray xiisada kadib markii xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood gacanta lagaga dhigay gudoomiye Dhoobo.

Galinkii dambe ee maanta ayaa waxa uu magacaabay madaxweynaha Puntland xubno wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ah kuwaas oo magacaabistooda iyo isku shaandhayntoodaba ay qayb ka ahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Inkastoo ujeedooyin fog ay ku lamaan yihiin magacaabista wasiirada cusub ayaa waxaa hadana dhinac socda qorshe ay wado xukuumadda madaxweyne Denni kaas oo ku aadan sidii kalsooni buuxda uu uga heli lahaa Mr. Denni gollaha Baarlamaanka Puntland iyo Beelaha ku midaysan dhismaha Puntland oo kacdoono kala soo horjeeday muddooyinkii ugu dambeeyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba.

Goboladda iyo deegaanada qaarkood ayuusan kalsooni ka haysan madaxweyne Denni taas oo sababtay haatan in uu soo dadajiyo isku shaandhayn uu ku samaynayo gollihiisa wasiirada kadib markii wasiirada haldoorka ah ee Puntland ay fashil kala kulmeen siyaasado is diidan oo ka dhacay deegaanada qaarkood kuwaas oo laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo sabab u noqon doonta wasiiro badan in ay ku waayaan xilalkooda.

Madaxweynaha Puntland iyo gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah labada shakhsi ee xiligani uu dagaalka ka dhaxeeyo ayaa mid walbaaba awoodkiisa ku tibaanayaa kan kale waana arinta sababtay in madaxweyne Denni uu wakhtigani isku shaandheeyo gollihiisa wasiirada qaarkood.

Isku shaandheyntan cusub ayaa ah mid lagu kala jajabinayey Baarlamaanka Puntland, waxaana xubnaha la magacaabay maanta dhamaantood keenay xildhibaanada ay isku Beesha yihiin.

Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo furimi doona 25-ka bishani ayaa la filayaa in mooshin is diiday la hor geeyo kuwaas oo ay kala wataan madaxweynaha Puntland iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiye Dhoobo oo xildhibaano badan haysta ayaa qorshaynaya in xilka uu ka qaado madaxweyne Denni, waxaana uu noqonayaa hadii uu u hirgalo qorshihiisa gudoomiyihii Baarlamaan ee ugu horeeyey Puntland ee daaqada ka saaray madaxweyne halka Mr. Denni isna uu u kaba gashtay sidii uu uga takhalusi lahaa gudoomiye Dhoobo hadii ay isna fursadiisu u hirgasho waxa uu ku biiri doonaa liiska madaxweynayaasha ka takhalusay gudoomiyaasha Baarlamaanada soo maray Puntland.

Inkastoo xaaladu ay sii cakirmayso waxaa xili walba is badali kara jawiga siyaasadeed ee cakiran, waxaase xusid mudan in gudoomiye Dhoobo uu garab ka haysto xubno badan iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu xidhiidh dhow la leeyahay taas oo ka dhigan in si sahal ah looga takhalusi karin.

Madaxweyne Denni ayaa isna dhabarka ku haya kooxda Aaran Jaan oo si adag ay isku hayaan Dhoobo Daareed, waxaana qorshahoodu ku jira shakhsi u diyaar ah buuxinta booskiisa marka laga saaro meesha.